Kacdoonka Ka Dhanka ah Calmaaniyadda, Caqlaaniyada iyo ilxaadka.-
Maalinkan maanta ah nasiib darada ugu wayn ee ina haysata waa, inaynu noolnahay saman ay dhalinyaradi umadda Somaaliyeed ku sumowday afkaarta bulaacadaha iyo qashinka ah ee kasoo kabacaya xagaas iyo galbeedka aduunka.
Inagoo arkayna waxa jabjab la inoo liqsiinaya kiniin aynu dareemayno waxyeeladiisa. Waxa iska caadi noqotay wax kasta oo laga sariigan jiray oo liddi ku ahaa sinjiga iyo sawraca Soomaalinimo iyo Islaamnimo.
Microphoneka waxa qabsaday wiilal iyo gabdho ku rabaysmay oo qudhqudhiyay casharadii siloonaa ee uu dhigayay macalinkeenu (Britain). Waxa dhagaysteyaal noqday dadki aqoonta lahaa, mid ta Alle yaqaanay, mid dhulka yaqaanay iyo mid dadka yaqaanayba.
Waxa liinbaxay oo biyodhacay dareenki, qiiradii iyo kal-gacalki Islaamnimo ee ku jiray laabaheena, waxa aynu hayin dhago nugul u noqonay nimanka faaruqa ah ee madhan ee inoosoo bartay afarta eray ee daciifka ah ee aqoon inoogu sheegtay wax aan aqoonba ahyn. Inagoo indhaha ka xidhan ayaa waliba la inagu hayaa qol madoow oo mugdi ah.
Diintiiba waxa ay inooguso ururtay Salaada iyo Soomka oo ah shacaa'irti diinta. Waxa aynu cidlo kaga dhaqaaqnay waaxyihii ugu miisanka cuslaa diinteena oo ah dhaqamadii iyo mucaamalaadki.
Diinta Islaamku waa dastuur Ilaahay inoo dooray iyo dhaqan wanaagsan oo lagu xaqiijiyo yoolalka waawayn ee bulshada Muslimka ah. Waa dastuur la raaco markad sariirta saarantahay iyo ilaa xidhiidhka ay sameeyan dawladahu.
Hab-dhaqanka iyo mucaamalaadka aad samaynayso oo dhami laga bilaabo markaad suuliga ku jirto adoo kaligaa ah ilaa laga gaadhayo xidhiidhka ay sameeyaan dawladuhu waa inay ku qotomaan oo sal looga dhigo dastuurkaas iyo diinta suuban ee Ilaahay inoo dooray.
Umad Islaam sheeganaysa sidee ay kula saari karaan dastuurka islaamiga ah iyo hab-maamulka dawladnimo, inagoo og in aanay diintu lahayn haba yaraatee wax nuqsaan iyo dhaliil ah oo ay kaga gaabin karto in lagu maamulo dad yar oo aan ka badnayn 5 milyan. Waxa kale oo aad ogtahay inay diinta Islaamku tahay diin ku filaan karta inay maamusho dhamaan Aadamaha ku dhaqan aduunka guudkiisa.
Kooxahan dhalinyarta ah ee faafiya afkaartan sumaysan ee calmaaniyadda, caqlaaniyada iyo Alle-diidku waa sadex mid uun.
1. Koox iyagoo yaryar la geeyay wadamada galbeedka oo ku kobcay oo ku rabaysmay duni aanay hab-noleedkoda meelna kasoo galin diinta islaamku, qaarkooda ay yihiin missionaries loo soo carbiyay inay tashuush inagu furaan.
2. Qaar aan iyagu meelna aadin oo yaraan ku qaybay Qur'aanka iyo axaadiistaba lkn ay isku daba-rogtay fahamka diintu.
3. Kuwa kale oo ku dhex haftay oo ku qarqoomay bad wayn cilmi loogu sheegay oo social sciences la xidhiidha, waayayna kasmo iyo garaad ay ku kala shaandheeyaan manhajyadaas qalaad ee aan lagu deegaamayn soyaalka umadeena.
Hadaba su'aashu waxa ay tahay, afkaartani sidee ayay ku heleen fursadahan dahabiga ah ee fududeeyay inay si xawli ah inagu dhex qaadaan?
1. Sida dabiiciga ah, diinta islaamku wax ay hor istaagta rabitaanka iyo waxa ay jeceshay nafta aadumuhu. Sidaas awgeed dhalinyartu waxa ay u badanyihiin kuwo u janjeedha doodaha iyo afkaarta dhiiri galinaya rabitaanka nafta ee dabcinaya dabarka iyo seetada ay diinta islaamku ku ilaalinayso soohdimaha dhaqanka wanaagsan.
2. Culimadeena oo u badan kuwo aan si cilmiyaysan u fahamsanayn ama aan u fahmi karahayn afkaartan ee meesha lagaso afuufayo. Waabay iska dhacda in marar badan ay ku adkaato inay dood cilmiyaysan ku wajahaan afkaartan.
3. Nidaamka dawliga ah ee inoo dhisan oo ah nidaam ay shidaaliyaan mulkiileyaasha iyo macalimiinta lagaso qaado afkaartan (international community).
4. Ugaadhsiga lagu hayo qof kasta oo ay u arkaan inay caqabad wayn ku yahay horumarinta afkaartan iyaga ah.
5. Kala qaybsanaanta iyo loolanka u dhexeeya madaahibta iyo kooxaha ay ku kala ab-tirsadaan culimadeenu.
6. Dadki asxaabul caqliga ahaa ee fahamsana arimahan oo fahmi meel ay ka galaan dagaalkan socda iyo xeelad ay ku dagaalamaan.
7. Social media oo u noqday gole iyo medium ay ku gaadhi karaan guri kasta iyo qof kastaba.
Ugu danbayn, sidoo loo joojin karaa mawjadahan iyo dabaylahan dhacaya?
1. In la helo dhalinyar abaabulan oo xul ah, aqoon iyo fahmo durugsan u leh diintooda kuwaas oo doodo cilmiyaysan ku waajaha afkaartan.
2. In ay u midoobaan culimadan kunka nooc u kala saftay.
3. In dib u eegis balaadhan lagu sameeyo manaahijta lagu baranayo wadankeena.
4. In aad loo shido malmalki ay shideen Cabdimaalik muuse coldoon iyo Yuusuf Shaacir walaw ay fiicantahay in wax laga badalo taktikodi ay u shudayeen malmalka.
Qoraa Axmed-Yaasiin Ismaaciil Axmed (Yasto).

Comments
Post a Comment