Halyey Aan La Hilmaamin:- Mujaahid Xasan Ganay.

 Maanta oo kale 29-sanno ka hor, 29 Jan 1991kii ayaa cutubyo ka tirsan ciidamadii ururka dhaq-dhaqaaqa waddaniga soomaaliyeed ee snm ay gacanta ku dhigeen magaalo xeebeeda berbera. Qabsashada berbera ayaa noqotay bar bilawga soo af-jarista 10sanno oo halgan hubaysan uu ururka SNM ku jiray.

Baligubadle oo ahayd caasimadii halganku waxay ku dhacday gacantii xoogagii faqashta 29kii Dec 1990kii. Dhacdadaasi may noqon mid niyad jabisay xaq u dirirkii SNM ee waxay ahayd mid iimaankii halganka u sii siyaadisay. Baligubadle maalintii ku xigtayba SNM way xorraysay, ciidamo SNM ah oo uu horkacayo Muj. Xasan Ganay ayaana weerar ay magaalada laba jiho kaga soo qaadeen dib ugu qabsaday. Balse hadafka SNM intaa kuma eekaan ee waxay qorshaysteen inay si kama dambays ah u xoreeyaan goboladii W/galbeed dalkii la isku odhan jiray soomaaliya. Qorshaha SNM waxa uu noqday in jugta culus goobta lagu dhufanayaa ay noqoto magaalada berbera. Ujeedkuna waxa uu ahaa khibradii laga helay markii la isku daray guushii iyo guuldaradii SNM ka dhaxashay gudo-galkii dalka ee 1988kii ee magaalooyinka Burco, Cadaadley iyo Hargeysa. Jugta culus waa magaca afgarashada SNM ee magaalada Berbera oo madaarkeeda iyo dekedeeda caalamiga ahi lafdhabar u noqdeen gurmadka ay ku baxsadaan ciidamada faqashtu mar kasta oo laga gacan sareeyo.

Nin dharaar wuxuun laga guntay, Guushu jamataaye.

Waayeel, waxgarad iyo waranleba waxa tallo lagu qaatay in Berbera la xoreeyo si loo afjaro gurmadka faqashta. Go’aan ka dib, Suldaankii halganka iyo hubka-dhigista, Muj. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax AHN ayaa ciidanka ka codsaday inay iska soo saaraan cidii hawlgalkaa loogu ducayn lahaa ee hormood ka noqon lahayd. Ducadaas waxa qaatay Muj. Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay) iyo guutadii uu hogaaminayay ee Koodbuur, waxaana lagu daray cutubyo ka tirsan ciidankii Lixaad A, Lixaad B iyo guutadii Koowaad oo magaalada Berbera galay 23 January 1991kii, walow isla habeenimadiiba dib looga soo saaray. Dagaalku wuxuu socday lix cisho oo la iska riixriixanayay magaalada, ugu danbayna waxa Alle guuleeyay ciidamada xaq u dirirka 29 January 1991kii oo ay si kama danbays ah magaalada ula wareegeen.

Qaabdhismeedka ciidamadii SNM ee hawlgalka galay wuxuu u dhignaa sida tan:

1. Abaanduulihii guud ee xoogaga SNM: Muj. Carab Ducaale Cilmi

2. Hawlgalinta: Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhego-wayne)

3. Taliyihii Guutadii Koodbuur: Muj. Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay)

4-Abaanduulihii guutadii koodbuur ee xilligaas Muj. Cabdillaahi Cabdi Aw Xirsi (Cabdillaahi Xero) (AHN).

Sidoo kale waxa xusid mudan guutooyinkii jidgooyada galay oo ay hogaaminayeen: Muj. Maxamed kaahin oo ka galay aaga bari, Muj. Cabdilaahi Darawal oo galay Dhubato, iyo Muj. Haybe Cumar (AHN) oo isaguna ka galay aaga Galbeed, halka ay magaalada burco weerar ku qaadeen ciidamo ay hogaaminayeen Muj. Xasan Kayd (AHN) iyo Muj. Cismaan Dacas (AHN). Maalmo ka dibna ciidamadii guutadii Koodbuur iyo guutadii Tobnaad oo uu taliye guud u yahay Muj. Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) ayaa u jihaystay dhinaca galbeed iyagoona gacantii ciidamada faqashta ka saaray magaalooyinka Dilla, Boorame, Lughaya, Saylac iyo magaalada xudaada ku taala ee Lawyo-cado.


Taariikhda hodankii

Qofba waxay u haysaa

Hiiliyo wuxuu tacab

Ummadiisa u huree

Sooyaalka ila hubi.


Golaha deegaanka ee magaalada Los Angels oo ah tan ugu dadka badan maamul goboleedka California ee wadanka maraykanka oo si dhaw ula socday halgankii hubaysnaa ee SNM ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen bishii June 1991kii billad geesi ku maamuusay Muj. Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay). Sawirka hoos ka muuqdaa waa Muj. Xasan Ganay oo haysta billad geesidii uu ku mutaystay kaalintiisii hogaamineed ee halgankii dulmi iyo diktaatooriyad diidka ahaa.


Xigasho:- Khalif Rageh




Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -