“Haday Mujaahidiini Jirto Waa Dadka Reer Sool Ama Deegaanada Carro Daraawiisheed Weliba Reer Laas-Canood”

 



Marka aynu xaqiiqda ku wada hadalno Reer Laas-canood iyaga oo xor ah ayey ka mid noqdeen Qarranka Somaliland waxaanay qabaan duruufo u gaar ah oo ay Somalia ku bartil-maameedsanayso Qabyaalad & Deegaanba.

Marka aynu si garasho & garawshiiyo ku jirto aynu u fikirayno Dadka Reer Sool Juquraafi ahaan waxay dhinaca ku hayaan qaar ay hayb wadaagaan oo hadana uu Juquraafiga Deegaanka & Dawladuhu kala qaybiyeen oo aan rabin inay Somaliland wax noqoto.

Juquraafi ahaan Dadka Reer Sool waxay dhinaca Barriga xuduud leeyihiin Ciise Maxamuud oo Majeerteen ah oo Magaca Harti uu ka dhaxeeyo, sidoo kale dhinaca Hawdka ama Koonfurta waxay Deegaan isku soo gaadhaan oo ay dhinaca isku hayaan Cumar Maxamuud & Reer Biciidyahan & weliba Ogaadeen oo Makaahiil oo weliba Ibraahiim & Gumcadlehba leh.

Dhamaan Reerahaas aan kor ku soo sheegay Dadka Reer Sool waa qaar ay hayb wadaagaan oo qaarna ay #Harti wada yihiin kuwa kalana ay #Kabla_lax isugu yimaadaan.

Waxa kale oo aanay kala fogayn oo ay Dhinaca Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Ethiopia ay isku soo dhawaadaan #Mareexaan oo #Wagar_dhac & Reer Dalalba leh oo ayagana Magaca Daarood ay wadaagaan oo dadkaa aan sheegay 99% aan ogolayn inay Somaliland wax noqoto kuwana ayaga oo aan wanaag la rabin hadana ehel & Tol isaga dhigaya.

Waxaas oo dhami iyaga oo jira oo Dagaaladii Somaali kala irdheeyey ee Qabyaalada la isugu dilay ay jiraan ayaa hadana ay Reer Sool qaar ay hayb wadaagaan Dawladnimada kaga hor yimaadeen oo ay kula dagaalameen ilaa maantana ay Tuka-raq ku horjoogaan taas oo Somaali badan oo Qabiilka ku tasbiixsataa aanay ka suura gasheen inay kuwii dad ugu xigay ay xabad kala hor yimaadaan.

Runtii waa mid ay sax tahay in lagu qiimeeyo Reer Sool oo weliba inta loogu sad kordhiyo ay sax tahay in kalsooni la siiyo oo la tuso inay Dalka inagu xukumi karaan oo Kuraasta ugu saraysa ay gaadhi karaan sidii Daahir Riyaalaba uu u gaadhay ee uu Axamed Siilaanyo oo Reerkoodu aqlabiyadii Somaliland uu yahay oo weliba Gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee SNM ee Iidoorku ay ku indho-kuulanayeen uu Daahir Doorasho kaga guulaystay.

Runtii Somaliland waxaa taala waxaan dhulka kale ee Somaalida kale aan oolin ama aan ka suuragali karin oo waxaa u markhaati u ah #Barkhad_Batuun oo Afar Nin oo Hargeisa u dhashay oo Aradaayo waawayn ka dhashay la cod noqday, qaar kale oo ardaayo waawayn ka dhashayna inta laga codeeyey ay hadheen oo aanay soo bixin.

Xaqiiqatan kama dhici karto dhulka kale ee Somaalida kale degto in Siyaasiga ugu wayn ee Reerka Majorityga ah ka dhashay Doorasho lagaga adkaan karo, sidii Mujaahid Axmed Siilaanyo ku dhacday oo kale, kamana dhici karto in Wiil Gabooye ka dhashay uu Afar laan dheere sheeganaya oo aqlabiyada ka dhashay uu la tiro noqdo qaar kalana uu doorashada ku reebo.

Anigoo og inay sidaasi jirto ayaa hadana Xukuumada & Shacabka Reer Somaliland aan xasuusinayaa inay Reer Sool ku qiimeeyaan xaalada adag ee ay Somaliland kala soo dabaasheen ee ay kuwii Dadka ugu xigay kula dagaalameen, Dadka Reer Sool waxaa ku jira Mujaahidiin ka Muhaahidsan kuwii SNM oo Xaalado adag kala soo dabaashay Dalka oo ay sax tahay in loo qiro taariikhda ay Dalka ku leeyihiin loona ogaado oo ay sax tahay in la la raadiyo siday Kuraasta ugu saraysa ee Dalka inoogu hogaamin lahaayeen ee loo tusi lahaa inaynu iska xigno Dadka kale oo ay sax tahay in lagaga dhabeeyo Reer Sool oo Dalka Madaxweyne ka noqda si loogu quus gooyo Caddawga Somaliland ee kolba shaadh inoo soo gashanaya.

Ma garanaayo kuwa daacada ah ee ay ka midka yihiin Ala ha u naxariistee Garaadadii dhintay, AHN Qaybe, AHN Fagadhe, Fu,aad Aadan Cadde oo dhamaantood ay sax tahay in taariikhda Somaliland lagu xuso cid ka Mujaahidsan amaba ka Somalilandersan.

Sidoo kale Masuuliyiinta maanta nool ee daacada ah ee ay ka midka yihiin Fartoon, Saleebaan Cali Koore, Indho-indho & Saaraakiisha Ciidamada ee Dalka u daacada ah ee aan ka xusi karo #Mujaahid_Mahad_Canbaashe oo Dalka dhismihiisii & difaaciisiiba wax walba ugu badheedhay inaanay jirin cid ka Mujaahidsan.

Dadka Reer Laas-canood aqlabiyadoodu waa dad wanaagsan oo dookhooda & Xoriyadooda kaga mid noqday Qarranka Somaliland oo aan cidina xoog ku qabsan kuna qabsan karin oo Ingiriisba ugu taag waayey.

Dadka Reer Laas-canood waa Dad target u ah Reer Somalia oo qabyaalad & lacagba ay ku tijaabiyaan in Somaliland lagaga hor keeno, runtii waa Dad aan la duruuf ahayn Deegaanada kale ee Reer Somaliland oo culayska ayaga ay Reer Somalia ay saaran aan la saarin cid kale, waxaas oo dhan oo Deegaankaa ka jira waxaa muhiim ah inay Reer Somaliland wax badan ugu cudur daaraan oo ay u muujiyaan walaalnimo & inay Dalka inagu hogaamin karaan si aynu uga guulaysano Cadawga Somaliland ee mar walba inagu soo maqan ee gol daloolooyinkeena raba inuu ka faa,iidaysto.

Waar inta Cadawgiinu uu isku maqanyahay ee aad fursada haysataan Ooda iska dhacamiya oo hays dhiganina.

Allahayaw Nin Daacad ah.
Allahayaw Nin Daallin ah
Deeqdaada ha u simin.

Al_xaqiiqa



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -