"#Guulleed Xaaji Iyo #Xirsi Ammaan" (EHUNe), Waxa Qoray Cabdisamad Maxamuud Ismaaciil.

 "#Guulleed Xaaji Iyo #Xirsi Ammaan" (EHUNe), Waxa Qoray Cabdisamad Maxamuud Ismaaciil.

================================


#Taariikhdu Soomaaliddu Waa #Muddan Iyo Ma #Guurto Reebta Ma'hadhooyin #Xaqiiqadda Ku Saleysan, #Jiilka Dambe-na Wax #Weyn Nolosha Uga #Tarra.

================================


Waxa La Yidhi, Niman Isu Adeer Ahaayoo Reer Oodweyne ahaan jirey, la na kala odhan Jirey Guulleed Xaaji Iyo Xirsi Ammaan, Ayaa Berri laba wiil oo ay dhaleen is dileen. Ina Guulleed Xaaji baa dhintay Sidda la weriyey, Ina Xirsi Ammaanna nabarro ayaa gaadhey. Xaaladdii baa cakirantey oo dagaal baa arrinkii ku dhowaadey dhacdadaa gadaasheed. 


Markay halkaa marayso, ayaa Guulleed Xaaji oo nin talo qabeenna ahaa ku taliyey, in wiilkiisii dhintay duudsi laga soo qaado, oo aan waxba la iska waydiinin, uu cafiyeyna, laakiin uu Nabarrada Ina Xirsi Ammaan bixinayo Isagu, si lafahaa Reer Sugulle u kala nabad galaan. Balse Xirsi Ammaannoo Is kibrinaya Ayaa Diidday arrinkaas, (nabarrada wiilkiisa lagu siinayo, kay iyagu dileenna lagu dhaafayo) oo dagaal mooyee xal kaleba lagu kari waayey.


Intaa kadib, Guulleed Isagoo ardaagii guriga Xirsi Fadhiya, Ayuu go'ii uu guntanaa hoos u sii daayey ilaa cawradiisii muuqatay, cabbaarna dooddiisa sii watey, ugu danbayn markii Xirsi la kari waayeyna wuu iska tegey Guulleed.


Waxba yaanan hadalka dheeraynine; gabadh Xirsi Ammaan qabey oo aad u Caqli Badnayd Baa Waydiisey Odaygeeda "Xaaji, Ninkuu Muxuu Isu Qaawinayey Markuu Kula Fadhiyey?".

Ku'ye "Mooyiddiisa, Waa Ka Nacasnimo Dee Waxaasi".


Mar Labaad Gabadhii Baa Odaygeeddii Ku Tidhi "Wallaahi Nacasnimo Kama Ah'e, Ee Inuu Xinninyo Leeyahay Buu Ku Tusayey, Oo Uu Iska Kaa Celin Karo, Haddaad Sammaha Diiddo".


Ugu danbayna, markii la is diley Xirsi Ammaan waa dhintay, Isagii baana duudsi noqday markii danbee la Heshiiyey.


Gebagebaddii Waxan Idinkaga Tegayaa Baydkaa Uu Lahaa Gab-yaagii Weynaa Ee Ismaaciil Mirre: "Mid Kuwaa Ka Dhigan Baan Arkaa, kadab U Laabnayn'e".


Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.






Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -