Goobaha Taariikhiga Ah !. Waxa Qoray:- Mustafe Aaden. .



Taariikhadu keliya maaha in lagu garto dhacdooyinkii hore iyo dadkii hore. Taariikhu waa baadi-soocda bulsho, dhinaca dhaqanka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo guud ahaan isbeddeladii noololeed ee ay bulshadaasi soo martay, si wax looga beddelo nolosha ama marxaladaha habka xilligaas lagu jiro.

Raadka taariikhdu waa GOOBAHA TAARIIKHIGA AH. Guud ahaan adduunweynaha dal kasta waxa uu leeyahay hay’ado ilaaliya goobaha taariikhiga ah (Museum or heritage centers) iyo dad loo carbiyay.

Goobaha taariikhiga ah iyo xarumaha lagu kaydiyo waxa ay ka mid yihiin ilaha dhaqaalaha ee dal leeyahay. Tusaale, waxa innoogu filan muddadii uu socday xanuunka COVID-19 waxa soo baxay dalal aad u tiro badan oo dhaqaalahoogu si weyn ugu tiirsanaa dalxiiska, sida Talyaaniga, Masar iyo kuwo kale oo la mid ah oo dhaqaalahoodu hoos u dhac weyn ku yimi.

Sidaas awgeed, Somaliland iyo guud ahaan dhulalka Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dalalka Illaahay ku manaystay taariikh facweyn iyo goobo taariikhi ah oo dunida caan ka ah, sida Laas-geel, Daalo, Saylac, Sacaadaddiin, Subulaha, Almis, Bulli-xaar, Godmo-biyo-cas, Biyo-kulule Gacan Libaax iwm. Laakiin, nasiibdarro ma jiraan hay’ado gaar ah oo ilaaliya ama fahansan muhiimadda ay leeyihiin, inkasta oo hadda Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, uu hirgelinayo xarun lagu kaydin doono taariikhda iyo agabka taariikhiga ah, haddana goobo badan oo taariikhi ah ayaa khatar ku jira ama la burburiyay, sida Masjidka Qiblatayn ee Saylac, Guryihii India Line, Buurta Daalo iyo goobo badan oo kale oo aan war laga hayn.

Arrintan waxa igu dhaliyay geed taariikhi ah oo bilicda iyo dalxiiska kaalin weyn ka qaadan lahaa oo ku yaallay Buurta Daalo ayaa la rujiyay, iyada oo laga cabsi qabo in dad badan ku halaagmaan, laakiin waxa ay ahayd in loo sameeyo xayndaab lagu sugo ammaanka goobta iyo khatarta ka dhalan karta.

Gabogabadii, waxa aan soo jeedin lahaa in la diiwaangeliyo dhammaan goobaha taariikhiga ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa. Waxa aan halkan ka xusayaa dhammaan cidkasta oo u dhaqdhaqaada deegaanka, goobaha taariikhga ah iyo guud ahaan taariikhda bulshada. Dadkaas waxa aan ka xusayaa Axmed Ibraahim Cawaale, Huda Cali Banfas, Axmed Kadleeye, Maxamed Yaasiin, Yusuf Daahir, Jaamac Muuse Jaamac iyo Sacdiya Mire oo taakhasuskeedu yahay raad-raaca taariikhihii hore (archeology) iyo dhammaan dadka kale ee aanan xasuusin.

Waad Mahadsan Tihiin.

Qalinkii:- Mustafe Adam.

๐Ÿ‘‰ Like-saar Page-ka si aad u hesho Maqaalo Hufan oo la kala Haadiyey ๐Ÿ™.

๐Ÿ˜ŽMaddasha Maqaalmaal Media๐Ÿง™‍♂️.
๐Ÿ‘‰Like, Share & Comment.๐Ÿ˜ท
๐ŸŒMaqaalmaal@hotmail.com๐Ÿ˜ƒ





Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -