Caqliga Kaasho Baa La Yidhi....

 Sadexdii sannadood ee u danbeeyay, waxaan wakhti badan galiyay oo aan dhex muquurtay, Kuna dhex haftay bad-waynta cilmi-baadhista iyo diraasaadka.

Ilaahay mahadii, muddodaa sadexda sano ah, inta yar ee aan fahmay waxa ugu muhiimsan dhawrkan arimood ee aan ka warami doono:-

1. Xagg kasta oo ay tahay, ummaduhu waxay ku horu-maraan hadba siday u adeegsadaan cilmi-baadhka iyo diraasaadka. Waa toolka iyo qalabka lagu maareeyo Mushkilad kasta oo ka dhex jirta bulshada si loo gaadho xal waara. Bulshadeenu aad bay ugu liitaan aqoonta iyo adeegsiga cilmi-baadhista, waana sababta ugu wayn ee caqabadda ku ah horu-markeena. Siyaasi wax ku maamulaya riyo iyo wuxu ku seexday, qoff aqoon sheeganaya oo aan baadhi karin mushkilad kaliya oo la xidhiidha takhasuskisa, bareyaal iyaguna dhigaya intii loo dhigay waa halkay ay salka ku hayso mushkiladaha Afrika. Wadamada Turkiga iyo Malaysia waxay tusaale nool u yihiin, is-badalka horu-mar ee la samayn karo markay umaddu siyaasadeeda ku jaan-goyso natiijooyinka diraasaadka.

2. Hadii aad xiisaynayso inaad mawduuc jira u fahamto si qoto dheer, sida qudha ee aad ku gaadhi karta waa inaad raadsato oo aad akhrido diraasaadka daabacan ee maray nidaamyada caalamiga ah ee hubinta tayada diraasaadka (peer-reviewed research articles). Waxa laga yaaba adiga laftaada inay kuu muuqato fursad banaan (research gap) oo aad wax ka qori karto oo kugu dhiiri-galisa inaad ku wax darto. 

3. Cilmi-baadhistu wa hal-beega ugu muhiimsan ee lagu qiyaaso halka ay gaadhsiisantahay aqoonta qofku. Tirada iyo tayada diraaska aad samayso aya go'aamiya meeqaamka ay aqoontaadu ku dhex leedahay dadka, dalka iyo aduunkaba. Umadd aqoonyahankedu yahay, qof aan waligi la arag hal diraasad oo Heersare ah oo uu qoray meel ay taalo, dadkiisuna professor u yaqaanan isaguna isku yaqaan waa ayaan-darooyinka Afrika.

4. Arinta ugu muhiimsan ee aan xaqiiqsaday sadexdaas sano aya ah, aqoonkasta oo uu Aadamuhu yeesha, ma dhaafi karto mana khilaafi karto macluumaadka aynu ku hayno Qur'anka kariimka ah iyo Sunnaha rasuulka NNKHte {ما فرطنا في الكتاب من شي}. Gaar ahaan markad dhex-mushaaxdo cilmi-sayniska. Waana xujjo culus oo hortaala qof kasta oo ilaahay u furo albaabada cilmiga. 

Bal adigu sawiro, hogaamiyeyaasha umadeenan oo aad u fahamsan qiimaha ay leeday cilmi-baadhistu oo dadaal iyo kharash badan galiya sidii loo hindisi lahaa xarumo cilmi-baadhiseed oo tayaysan oo dhinac walba ah. Nasiib-darro, Madaxda Afrikaanku, waxay isku dayaan inay xaliyaan dhibaatooyin aan la ogayn halka ay salka ku hayaan iyo halka uu xididkoodu yahay toona. Waana sababta ay mushkilad kaliyi usoo noqnoqoto sanad kasta.


Qoraa: Axmed-Yaasiin Ismaaciil Maxamed (Yadto)



Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -