Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal) Waa Nin Caynkee ah ?.
Taariikh-Nolalaeed Kooban Oo Ku Saabsan:- Gudoomiyaha Urur Siyasadeedka Cusub Ee Horseed Muj. Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Darawal)
Mujaahid Ahna Siyaasi Cabdilaahi Xusseen Iimaan (Darawal) waa Nin Qarankan u soo Halgamay, Tariikhdisana ku suntan, Waxa kale oo uu Xilal badan ka soo qabtey Dawladihii kala Dambeeyey ee Cabdiraxmaan Tuur, dawladdii Ina Cigaal iyo Dawladdii Daahir Riyaale iyo Xilal badan oo kala ah.
1) Abaanduulaha Ciidanka Qaranka
2) Agaasimaha Guud Ee Wasaradda Gaadiidka iyo Cirka .
3) Wasiirka wasaradda Cadaaladda
4) Wasiirka Wasaradda Gaashandhiga
5) Wasiirka Wasaradda Dib-udajinta
6) Wasiirka Wasaradda Caafimadka
Intii Somaliland Jirtay 17 sano ayuu Qarankan u so shaqeynayey, marka laga tago mujaahidnimadisa,
Cabdilaahi wuxu ahaa Raggii Maxkamadda Ciidammada qaranka dhisay waxa kale oo u dhisay Wasaaradda Cadaaladda, waxa Kaluu barigaa Dib-u-habeyn ku sameeyay Jeelka weyn ee Mandheera,,
Cabdiaahi wuxuu ahaa Raggi soo Af'jaray Dagaalkii Sokeeye ee 1994'kii waxaanu Wasaradda Gaashandhiga Qabsaday iyadoo Hargeysa suuqa qoriga lala soo Gali' jiray iyo baabuurta hubaysan isagaana Arintaa Meesha Ka Saaray ,,
Waa Dadkii dib u dajinta Ka qayb Qaatay. Intan Mujaahidka ka Aqaan waa Nin karti ilaahay siiyay oo firfircoon, Cabdilaahi Darawal dhawaan ayuu ku dhawaaqi doona Ururka HORSEED Isagoo Damaciisu yahay Madaxweyne Bulsho Dad badanna Taageersanyihiin…
ALLAA MAHAD LEH
LINGAXAN HOOSE KA DAAWO HADALADII XAFLADA UU KA SOO JEEDIYEY GUDOOMIYAHA CUSUB EE URUR-SIYAASADEEDKA HORSEED, CABDILAAHI DARAWAL
Xafladdii Urur-Siyaasadeedka Horseed Somaliland
Tifaftirkii Bahda Mareegta Maqaal Maal

Comments
Post a Comment