Buugga Xujo iyo Xulasho - Qalinkii: Cabdirashiid Saleebaan Galow

 Alle ayey mahad oo idili u sugnaatay oo inoo soo ebyey buuggan Xujo iyo Xulasho oo aan in muddo ah gacanta ku hayey, kuna soo biiray dhaxalka ummadda Soomaaliyeed. Waxaa hore loo yidhi “Sadar muuqda su’aal ka dhan” markaa buuggan wuxuu ku saabsanyahay iyo ujeeddadiisa guud waxaa gudbinaya jeldiga, nuxurka iyo miiddana waxaa loogu tegayaa gudaha buugga. Waxaa hoos ku xusan mid ka mid ah sheekooyinka buugga ku jira ka bogasho wacan.


Dan iyo Dookh


Inta badan ninku marka uu weynaado oo da’diisu ay lixdan kor u dhaafto waxa uu u baahdaa xannaano iyo ilaalo dheeraad ah, haddi uusan markaa haysan xaas uu dhawaan la aqal galay oo nolosha keli kula yahay afadii ay yaraanta isku soo guursadeen, iskuna dul gaboobeen. Wax uu maankiisa geliyaa inuu helo minyaro jabane kaabta ah oo waysada iyo caanaha dabo wadda, wixii uu u baahdana hoo tidhaahda ee aan hadal ku soo celin. Ma aha gabadha uu doonayo mid maalkiisa uun damaaciday ee aan dan kale ka lahayn, wuxuu ku hadraa mid tidhaahda “Sarariyo sakaar siin oday baa sareedo leh” oo aamminsan in odaygu uga doorroon yahay barbaarka aan xog iyo xoolo badantoonna hayn.


Oday sagaashan jir ah ayaa beri gabadh dhawr iyo tobon jirta aabbeheed ka soo doontay oo ka soo ardaa-dhigay, odaygii gabadha dhalayna hadal kama geline hore ayuu ka siiyey oo markiiba afkaa laga wada heshiiyey. Gabdhii ayaa warkii maqashay, wayna ka weji tubtay oo way ka xumaatay oo marnaba raalli kama ahayn oday tukubaya in lagu daro. In ay waalidkeed ku gacansaydhana way u cuntami wayday oo waqtigaas ceeb weyn eyey ahayd. Waxay uurka iskaga tidhi “Alleyle iska xujee oo geed iskaga xidh odaygan luudaya ee haddana wax is bidaya!”


Waxay codsatay inantii in ninka odayga ah ee la siiyey loo keeno oo ay wada hadlaan intaan la isu meherin. Waa laga aqbalay oo odaygii baa loogu yeedhay inta lagu yidhi “Inantii baa ku codsatayoo hor-joogga iyo hawraartaada u baahan,” odaygiina wuxuu yidhi “Warsane ina wadiya.” Gabadhii markii loo yimid bay odaygii weydiisay su’aal dhanna sarbeeb ka ahayd, dhanna xujo oo waxay ku tidhi odaygii “Saddex qurxudoodii way kaa tageen oo waan arkaaye (timo, weji iyo cod) ee saddex kale iiga warran. Hal iiga warran, labana iiga warran saddexna iiga warran”?


Odaygii hal ma seegine, markiiba wuxuu weydiintii u gartay “Ragganimo iiga warran, indhana iiga warran, gogoshana iiga warran”? Waxaa haddana ku soo dhacday gabadhu saddex bay u baahantahay saddexda dalqadood ka dambeeya oo kala ah:


• Soor ku filan

• Sawd wax deeqa 

• Iyo sed hurdo. 


Haddana wuxuu isku yidhi saddex baa Alle ku baday oo kala ah:


• Gabaw

• Xanuun aan kala go’lahayn iyo

• Hawl gab!


Markii uu naftiisii saa kula shawray ayey dantu u run sheegtay oo wuxuu garawsaday waxa ay gabadhu ka doonayso in uusan ka soo bixi karayn ee ay hawo qaaddaye uuna hawl kar ahayn. Waxa uu isku yidhi waxaagu waa “Laab la kacay lugose kuma taagni.” Wuxuu iska illaaway in hore loo yidhi “Waan da’ weynahay dumar loogama tago,” waxaase taa bedelkeeda la hor keenay maahmaahdii saddexleyda ahayd ee ahayd saddex bay naagtaadu kugu nacdaa:


1. Hambo la’aan

2. Hammi la’aan

3. Iyo hammo la’aan


Dantu kaa adag oo markastaa waa dabarka xidha doonistaada, waayeelkuna way ka garaabaan marka ay waxay dhallinyaranimadoodii qaban jireen ay u taag waayaan oo gabawga iyo da’du ka hor istaagaan. Gabyaa Aadan Maxamed Cabdulle la odhan jiray oo ku magac dheeraa Aadan-gurey oo ay Raage Ugaas isku gedo ahaayeen sida aan ka maqlay Maxamed Faarax Idaajaa, ayaa markii da’diisii siddeetan sano gaadhay ku calaalacay gabay dheer oo ay ka mid ahayeen meerisyadan hoose. Waxa uu yidhi sidan:


Toddobaatan iyo tobon miyaan tiriyey waagayga

Sida wiil tarrada  ceel marshay oo timaha deebeeyey 


Tin madaw miyaan laga heleyn aniga tuulkayga 

Ma tallaabadaan la qadhqadhoo tiirin luga mooday


Ma tukubay sidii habar tu kale tuugma ugu jeedda

Bawdada miyaan tuujiyey iyo adhaxda tiirkeeda


Tash madaw haddaan qaadan jiray maro tilmaan dheer leh

Tartarrada miyaan qayd ku xidhay taako labadeeda


Barkin luqunta kuma tiirsho iyo tolane baarkiise

Ma dhegtaan tagoogada gashaday sidii anoo tuugah


Wax martidu tammadisaa  ninkay toos u hoyataaye

Tuluggiis  miyaan laygu arag tulidi waa geele


Naaguhu ninkaan tuujinayn waa timlaayaane

Taf miyaanan rogahayn sidii cudurku ii taabay!


Ugu dambayntii odaygii wuxuu beddeley ujeedkiisii oo wuxuu go’aan ku gaadhay inuu gabadha iyo warkeedaba ka baxo, maaddaama uusan masuuliyaddeeda ka soo wada bixi karayn. Wuxuu gabadhii ku yidhi “Maandheey guurkaaga waan ka noqday ee gayaankaa iyo gacalkaa ka guri dayo midaad isku gedo tihiin.” Gabyaa la odhan jiray Maxamed Aadan Jaamac oo Maaweel ku magac dheeraa ayaa magaalada Kuweyd beri tegey, markaas ayuu maqlay inay hinaasi badan yihiin nimanka Kuweyd joogaa. Markaasuu gabay u tiriyey aad mooddid inuu kula hadlayo odaygaynu ka soo sheekaynay. Gabaygaas waxaa ka mid ahaa meerisyadan hoose. Wuxuu yidhi Maaweel:


Nimankii qurbaha laasimow laaxin soo noqoye

Leeddada  fardaha kuma galan  odayo liitaaye

Leexada markuu tiigsadiyo laashimo u muuqda


Laafyaha markuu kala baxshood leeb la ganay mooddo

Lixaadkiisa wiilkii qaboo labaca mooyaane

Lawyada ninkii ay debceen loodin kari waaye


Lixdan idinka oo wada jiruu liicay dhabarkiinnu

Lanleemadu markay idin gashaad luufka barateene

Haddaydaan hablaha laylilaynin haysu laalina’e


Lebbis fiican waw iibisaan laasin qaaya lehe

Hayeeshee halkaan laabtu jirin kuma luloodaane

Leeleelka dumarkii Kuweyd looxa lagu duugye


Waxaan kaa codsanayaa akhriste inaad sii share garayso siduuu u gaadho dadka akhriska jecel. Mahadsanid. 


Madbacadda: IrshaadP

Daabacaaddii: 1aad 

Qalinkii: Cabdirashiid Saleebaan Galow






Comments

Popular posts from this blog

Beelaha Ay U Dhasheen Fanaaniinta Soomaaliyeed.

History of Isak Clan.

Beesha Subeer Awal Waa Reerkii Aasaasay Ururkii Waddaniga Soomaaloiyeed ee SNM.

13 Qodob Oo Ka Soo Baxay Shirka Laascaanood ee Beesha Dhulbahante, SSC.

“GOONI ISUTAAGA SOOMAALILAND OO SODON SANO JIRSATAY” AQOONYAHAN FAYSAL ROOBLE

Nabada iyo Colaada.

Halkee buu Daaran Yahay Dagaalkaygu Maalmahan? Qoraa Khadar Cabdilaahi

Jaamacadda Maakhir Afar Milyan Iyo Shan Boqol Oo Kun Ma Ku Baxday.

Fahanka Iimaanku? -