Buuga Hanaanka Caddaaladda - DAMBIYADA
"Gadood iyo kacdoon ka dhashay ku-tagrifal-awoodeed ama gaboodfal ka dhan ah bi’aadannimada iyo hay'adihii amniga iyo caddaaladda ee ka howlgalayey dawladihii ku dhisnaa boqortooyada iyo keltalisyo afgambi ku yimid ay u gaysteen dadyowgii dunida ee la kowsaday dawladnimada casriga ah, ayaa sal iyo ballaysin taariikheed u ahaa in loo baahdo oo la abuuro HANNAAN CADDAALADEED oo caalami ah oo ilaaliya xuquuqda shacabka; si gaar ahna xuquuqda tuhmanayaasha iyo eedaysanayaasha.
Hannaanka caalamiga ah ee Caddaaladda Dembiyadu, waa mid ku dhisan sinnaan bulsheed, dhexdhexaadnimo aan eex lahayn iyo hay'ado sharciyeed oo madaxbannaan oo u taagan dajintiisa, hirgalintiisa, iyo ilaalintiisa. Hay'adahaas oo ay ugu waaweyn yihiin Hay’adda Booliska (oo waajibaadkeeda guud yahay xidhista), Hay’adda Baadhista, Hay’adda Eedaynta iyo fulinta sharciga iyo qaanuunka; Maxkamadda (oo shaqadeeda guud tahay dhegaysiga iyo ka-garnaqa dacwadaha ciqaabta ah) iyo Hay’adda Sixitaanka Dambiileyaasha (oo ah marlxadda ugu dambaysa ee hannaanka caalamiga ah ee caddaaladda dambiyada oo ka masuul ah haynta, sixitaanka iyo dhaqancelinta maxaabiista xukuman).”

Comments
Post a Comment