๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฑ๐ผ ๐ ๐๐ฟ๐๐ด๐ผ ๐น๐ฒ๐ต: ๐๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐๐ผ๐ผ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ผ๐ผ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฟ๐ด๐ฒ๐๐๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐ฎ๐ฐ ๐ฎ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ป ๐๐ผ๐ผ๐ด๐ฎ ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐
Waxaa Maanta garoonka Hargeysa Stadium ka dhacday dhacdo Murugo iyo xannuun leh taas oo dadkii goobjooga ahaa iyo kuwii sida Tooska ah ula socday oo aan ka midka ahaaba nagu reebtay Naxdin, ciyaartii u dhaxaysay labadda naaddi ee Gaashaan iyo Baanka Horyaalka heerka koowaad ee Caasimadda. Dhammaadkii ciyaarta ayaa Ciyaartoy ka tirsan Gaashaan uu ficil khalad ah ku sameynaya ciyaartoy kale oo Baanka ka tirsan, kaas oo Laabta laag xoogan uu kagaga dhufanayo sidaasna uu Wiilkii dhulka ugu dhacayo Xaalad adag oo Miyir-doorsoomana uu ku galayo kadib markii Naqasku uu ku dhagay.
Wiilkii wuxuu noqday mid xaaladiisu ay khatar gashay taas oo ay ka daran tahay inuu waayay cid caawisa oo Aqoon u leh marka Xaaladan oo kale ay la soo daristo ciyaartoyda, waxaana ugu dambeyntii u gurmaday Macallinkiisa (Tababaraha Gaashaan) oo ah qof aqoontiisu heer caalami ay tahah, kaas oo Wiilkii Afkiisa naqaska kaga soo saaray. Marka laga yimaado intaas Wiilka maadaama xaaladiisu ay adkayd, wuxuu u baahnaa addeeg caafimaad oo degdega ah (Ambulance), nasiib-darro ma joogo garoonka gaadhi caafimaadka ciyaartoyda u qaabilsan si loogula cararo Cisbitaaladda.
Ceebta ugu weyn ayaa ahayd haddana in la waayay Gaadhi lagu qaado si loogula cararo Dhakhtarka ugu dhaw, ilaa markii dambe loo dalbay Tagaasidda Dhaweeye. Sidani maaha wax loo dulqaadan karo in maalin walba dhallinyarteeni sidaas u dayacan yihiin oo ay u baaxa-dagayaan, nafahooguna ay halis ugu jiraan.
Wasaaradda Ciyaaraha iyo XKCSL gaar ahaan (Agaasimaha Guud iyo Guddoomiyaha XKCSL) oo iyagu uruursada lacagta maalin kasta garoonka lagu galo, sidoo kalena naaddiyada laga qaado cashuuro kala duwan oo lacag adagi uga soo xarooto,
garasho la’aan kama aha inay kafaalo qaadaan Addeegyada Caafimaad ee garoomadda, laakiin waa ka hagrasho iyo hanti uruursi, maahana kuwo ku haboon inay dhallinyara intaas wax ka baddan u sii shaqeeyaan.
Madaxweynaha waxaanu ugu baaqayna inuu si gaar ah ula xisaabtamo Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha, iyada oo aynu ognahay Miisaaniyadda Wasaaradda in haddana ay tahli kari waayaan in addeeg caafimaad ay keenaan garoomadda.
Ugu dambeyntii, Xisbigga WADDANI waxa uu marar baddan uu ka digay inay ka cabsi qabaan in dhallinyarada naftoodu ay halis ku jirto, welina tii ay taagan tahay oo aanay waxba iska bedallin. Sidaas darteed ka Xisbi ahaan waxaanu diyaar u nahay inaanu hawshan wax ka qabano haddii aanay wax ka qabanayn ciddii shaqadeeda ay ahayd, oo aanu u tudhayno in aanay maalin kasta dhallinyarteena naftoodu halis ku jirto.
Ugu dambeyntii, Xooghayaha dhalinyarada iyo ciyaraha ee Xisbiga Wadani oo uu weheliyo Afhayenka garabka dhalinyarada ee heer qaran Cabdiraxman Ismaaciil Xuseen ayaa xalay ku booqday Dhakhtarka Royal Hospital ciyaartoy Wardi oo ka tirsan naaddiga Baanka, kaas oo uu dhaawac Naxdin iyo Murugo lahaa soo gaadhay.
Booqashadan ayay ugu kuur-galayeen xaalka caafimaad ee ciyaartoygan, waxaanay ILAAHAY uga rajaynayaan inuu caafimaad siiyo inkasta oo xaalkiisu uu ka soo raynayay.
Aamiin Aamiin
Mr. Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase)
Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xisbigga WADDANI.







Comments
Post a Comment